shuban
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
- (daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
- 1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho.
- 1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.

