ban

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nan, m.l)

Macnaha:

  1. Dhul bannaan oo aan dhir la hargalo lahayn.
  2. Saxarro jilicsan; shuban.

shuban

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
  2. (daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
  3. 1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho.
  4. 1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.