soore

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Qofka sooryada bixinaya. 2. Qaybiye; kalabbare. 3. Sinji noolaha ka mid ah kaasi oo dushiisa ama gudihiisa uu ku noolyahay dulin, marka uu qaangaadhana dhaawac uu geysta ama dila.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaybiye

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Qof wax qaybiya. ld qaybshe.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur