suuraggal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Fursad; awood. 2. S. ah: wax dhici kara. ld suurtaggal¹.
  2. Wax rumoobi kara noqosho. ld suurtaggal².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fursad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

awood

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Kartida ay cidi u leedahay inay arrin meel mariso. 2. Xoogga muruqa.
  2. (fiis.) Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken).
  3. (f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

suurtaggal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld suuraggal¹.
  2. ld suuraggal².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur