awood
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-do, m.l)
Macnaha:
- 1. Kartida ay cidi u leedahay inay arrin meel mariso. 2. Xoogga muruqa.
- (fiis.) Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken).
- (f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

