taabasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg taabo. ld taabad.
  2. (daawo) Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad

Lamidka: taabad, taabo

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

taabad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld taabasho¹.

Lamidka: taabasho

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

taabo

Qaabnax: Fal Gudbe3 | Verb Transitive3

Isrogrogga: (-btay, -batay)

Macnaha:

  1. 1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur