waleecaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Waxyeello; dhibaato; inkaar; hoog.

waxyeello

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Dhibaato.

Lamidka: Dhibaato

dhibaato

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. ld dhib¹.

inkaar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dhibaato qof Ilaah looga baryo in ay ku dhacdo.
  2. Dhibaato Ilaah cid uga baryid.

hoog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.
  2. Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid.