waraso

Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective

Macnaha:

  1. Ubad la dhalay; awlaad; ilmo; dhal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

awlaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. eeg weled. 2. Carruur.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ilmo

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. Dhallaan; caruur; ubad.
  2. Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal/-llal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
  2. 1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur