awlaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. eeg weled. 2. Carruur.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

carruur

Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective

Macnaha:

  1. Dhasha dadka; ilmo; ubad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

weled

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur