warwar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Samayo dhuudhuuban oo dhallintu isku riddo oo gabbashada ku barato. 2. Nooc waran oo dheer.
  2. ld walwal².

walwal

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Layr qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaada; geyr. 2. Welwel, werwer. ld warwar¹, welwel¹, werwer¹.
  2. Cid walbahaarid. ld warwar², welwel², werwer².