Site icon Qaamuus

ereyga

biir
(m.l)

Nooc khamriga ka mid ah oo aan alkolo badan lahayn.

biir
(m.dh)

1. Neef sun ah oo ur gaar ah leh oo ceelasha aan muddo laga cabin marmar yeeshaan. 2. Wax aad u khamiiray. 3. Caano aad u dhanaan.

biir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

1. Wax intay ahaayeen ka badasho. 2. Ku b.: wax tiradooda kordhin. 3. Ku b.: cid ka mid noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh biir

laag [m.dh] (-go, m.l)
(juqr.) Laag webi ama durdur oo ku biirisa biyaheeda webi weyn, isagoo kaga biyo daraya labada dhinac ama bar marinkiisa ka mid ah.

tacbiir [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Hab wax loo jeediyo ama loo qoro.

tadbiir [m.dh]
Maamulidda si fiican wax loo maamulo (lacag, arrin iwm).

ambiiro [m.dh]
ld bambiiro.

bambiiro [m.dh]
1. Shey jilicsan, ramal ka sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka laga gashado. ld ambiiro.

beergooyo [m.dh]
Siinta qof ku soo biiray dad beeralay ah oo meel wada deggan la siiyo dhul ku meel gaar ah oo uu sii beeryo. ld beerfuur, beergooye.

biire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version