ardaa
(m.l) (-aayo, m.dh)

Duggaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ardaa

qaar [m.l] (-rar, m.l)
1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.

ardaadhig [m.l]
ld ardaaggal¹.

ardaadhig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay; -gtay)
ld ardaaggal².

ardaadhigid [m.dh]
ld ardaaggelid.

ardaaggal [m.l]
1. Marti u noqoshada reer gabar laga doonayo. 2. A. ah: nin reer uu gabar ka doonayo darteed marti ugu ah. ld ardaadhig¹.

ardaaggal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
U a.: nin reer uu gabar ka doonaayo darteed marti ugu noqosho. ld ardaadhig².

ardaaggelid [m.f.dh]
eeg ardaaggal². ld ardaadhigid.

ardaal [m.l] (-llo, m.dh)
Qof aan ceebta ka xishoon.

ardaalnimo [m.dh]
Ardaal ahaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg