basaas
(m.dh) (-siin/-syo, m.dh)

1. Qof, sir cidi leedahay raadiya, una gudbiya cid kale oo ay dan u tahay. 2. Qof, sir dawladeed raadiya, una gudbiya dawlad kale; sirdoon.

basaas
(m.dh)

Qallaylka, googgo'a iyo midab doorsoonka ku dhaca timaha marka aan muddo dufan la marin.

basaas
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-say, -stay)

1. (f.g) Cid sirteeda, cid kale oo ay dan u tahay u gudbin. 2. (f.mg) Timo aan muddo dufan la marin qallayl, googgo'iyo midab doorsoon la kulmid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh basaas

jaasuus [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.

agool [m.l]
Qolof cad oo madaxa yeesho marka uu basaaso.

basaasan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax basaasay ahaansho (timo).

basaasid [m.f.dh]
eeg basaas³.

basaasnaan [m.f.dh]
eeg basaasan. ld basaasnaansho.

basaasnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld basaasnaan.

basaasnimo [m.dh]
Basaas ahaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg