birdhaf
(m.l) (-fyo, m.dh)(kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh birdhaf ↴
maanganiis [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Summad Mn. Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, una jira dabiici ahaan ogsaydh ahaan sida bayroolusayt (MnO). Waxaana loo adeegsadaa sameynta birdhafyada istiilka iyadoo laysku darayo bayroolusayt iyo xadiid laguna gubayo marraaq-danabeed.
baraas [m.l] (-ooyin, m.l)
(kiim.) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.
magniisiyam [m.l] (-mo, m.dh)
(kiim.) Summad Mg. Curiye fudud oo bir ah; curiyaha labaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha (biro dhul alkaliin). M. waa curiye muhim u ah warshadaha sababta oo ah waxay xubin weyn ka tahay birdhafyada fudud (marka lagu daro aluumiiniyam iyo sink).
nikal [m.l]
(kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin, iyo birdhafyada lacagta. Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C ; cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.