Ka
Qaabnaxa: mu.ti.l Isrogrogga: (kuwa, w)bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2). kan
Ka
Qaabnaxa: h (nax) Isrogrogga:Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
Ka
Qaabnaxa: q.l Isrogrogga: (-ka)Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg