afo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Haweenay la qabo; oori.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh afo

aafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.

aafoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aafow. aafow

aafow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax aafeysan noqosho (nafley badan).

xaafood [m.l]
Qashin biyo fadhiya ama socda soo tufaan.

gaafo [m.l]
1. Waqti dheer. 2. Miileysi; kaltan. miileysi, kaltan

gaafo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
1. Bawdyo kala fogeyn (hal). 2. U g.: wax qabashadooda isu diyaarin. 3. U g.: wax baajintooda isku hawlid. 4. Ku g.: wax dhan walba ka marid.

gaafootamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaafootan². ld gaafootan¹ (2). gaafootan

gaafootan [m.l]
1. Kaltan. 2. ld gaafootamid. kaltan, gaafootamid

gaafootan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Wax ku kaltamid.

maafoos [m.l] (-syo, m.dh)
Nooc ka kd mid ah libaax badeedka halista ah. ld maanfoos.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg