alif
(m.l) (-fyo, m.dh)

1. Xarafka ugu horreeya farta Carabiga. 2. Alifba'. 3. Astaan alifka u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. (alfaan, m.dh) Darajo la siiyo sarkaalxigeenka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh alif

b [m.dh]
(ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

e [m.dh]
(e') Xarafka shanaad ee alifka soomaaliga, kana mid ah shaqallada.

i [m.dh]
(i') Xarafka sagaalaad ee alifka soomalida.

t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.

c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf. kaaf

q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka soomaaliga oo shibbane ah.

kaabul [m.l] (-llo, m.dh)
Qof ciidanka qalabka sida ka tirsan oo laba alif leh.

qaaf [m.l]
Xarafka kow iyo labaatanaad oo alifka carbeedka magaciisa. ld qa'.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg