anaani
(m.l) (-yiin, m.dh)Qof naftiisa keliya wax la raba.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh anaani ↴
anaaninnimo [m.dh]
Anaani ahaansho; nafjeclaysi. ld anaaniyad, anaaniyo.
anaaniyad [m.dh]
ld anaaninnimo.
anaaniyo [m.dh]
Wax la jeclaysiga qof naftiisa keliya wax la rabo. ld anaaninnimo.
canaaniyo [m.l]
Gubtahanyo.
danaani [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U d.: dad si danaana ah gacan ku siin.
danaani [m.l]
1. Soo noqoshada dhawaaqa marka uu ku dhaco qararka darbiyada iwm. 2. Buuq ama bulaan ka soo baxa dad badan ama xoolo iwm. 3. Cida dameeraha; durruqaan. ld dannaanni¹.
danaani [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nyay, -niday; -nyi)
Qar, derbi iwm dhawaaq soo celin. ld dannaanni².
danaanin [m.f.dh]
eeg danaani. ld danaano.
dhanaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhanaan ka dhigid.