Aroor

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

Waqtiga u dhexeeya marka waagu dillaaco ilaa marka qorraxdu soo baxdo. ld arooryo.

Aroor

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. ld aroorid. Doonashada nafley oommani ay meel biyo ka doonato. 2.(-rro mdh.) Dhudhub yar oo biyo dhulka ka jeexeen. 3. Sheexo. 4. A. ah: xoolo ooman oo biya doonad ah.

Aroor

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

1. Nafley biyo doonasho. 2. Nafley meel sare ka soo degid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga aroor

waa | waabari | haad-karoor | ibalaroor | iballaroor | oodjiid | oonguul | xaliib |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg