baraar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Naylo waaweyn oo aan dhibaato mudanayn haddii naaska hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka loogu xiro borosinka.

baraar
(m.dh)

Neef lo'ah oo leh geeso labada dhinac u kala rogan; sheexo.

baraar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baraar

xadato [m.dh]
Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. ld xananto, xanato.

baqas [m.l]
Barwaaqo badan; baraare.

baraaraysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax baraare ku jira ahaansho.

baraaraysnaan [m.f.dh]
eeg baraaraysan. ld baraaraysnaansho.

baraaraysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld baraaraysnaan.

baraare [m.l]
Nolol barwaaqo, caafimaad iyo nabadgalyo leh. ld baraaro.

baraari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid baraare siin (Eebbe).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg