beddel
(m.l)

1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.

beddel
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-elay, -eshay)

Wax la beddelay ka dhigid; wax wax kale ku doorin. ld baddal².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beddel

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

kaah-qorraxeed [m.l]
(fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.

laaktays [m.l]
Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.

maandoori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid maankeeda beddelid.2. Qof sakhraamin.

unug [m.l] (-gyo, m.dh)
(baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA.

usduuro [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhacdo taariikheed oo sooyaal ah, oo wax laga beddelay qaabkeeda hore. ld asduurad, usduurad.

uumibiyood [m.l]
Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.

waalli [m.dh]
(daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah.

abaaldooris [m.l]
Samafal la isu galay oo xummaan lagu beddelo.

abaalgud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
U a.: abaal la isu galay mid la mid ah ku beddelid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg