boog
(m.dh) (-go, m.dh)Nabar caalir leh jirka muddo ku yaallay oo aan weli biskoon.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh boog ↴
aalkol [m.l]
Dareere aan midab lahayn oo dabka
qabsan og, boogahana lagu dhaqo. ld aalkolo. aalkolo
raadiyografi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
bogsiin [m.f.dh]
eeg boogsii. ld bogsiis.
boogadhay [m.l]
ld boogadhaye.
boogadhaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof boogaha iyo nabarrada fudud daaweeya. ld boogadhay.
boogayn [m.f.dh]
eeg boogee.
boogaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax boog leh ahaansho.
boogaysnaan [m.f.dh]
eeg boogaysan. ld boogaysnaansho.
boogaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld boogaysnaan.