booqasho
(m.f.dh)eeg booqo. ld booqad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh booqasho ↴
eeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.
maalinjoog [m.l]
1. Xoolo maalin dhan ceel jooga. 2. ld maalinjoogid. Booqasho hal maalin ah.
booqad [m.l]
ld booqasho.
siyaaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Booqasho cid loogu tago. 2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
siyaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Cid booqasho ugu tegid. 2. Qof dhintay xusid.