boorso
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Shay caag ama saan ka samaysan oo gacanta lagu qaadan karo oo lacag, dhar, buugag iwm lagu rito.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh boorso

ugar [m.dh] (-ro, m.l)
Kiish ama boorso harag ka samaysan.

shandad [m.dh] (-do, m.l)
Santuukh ka samaysan harag, safiito iwm leh siddo la qabsado oo safarrada lagu galo; boorso.

siddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Meel alaabta wax lagu rito sida dambiilaha, boorsooyinka iwm loo yeelo oo loogu talaggalay in gacanta lagu qabsado marka la qaadayo. ld sidde.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg