burburis
(m.l)

1. Caano in yar la lulay oo aan firfir yeelan. 2. ld burburin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burburis

burburin [m.f.dh]
eeg bururi. ld burburis (2), bururin, bururis.

jebiso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Halaq weyn, u eg abeesada oo waxa ay ugaarsanayso isku duubta kaddibna burburisa. ld jebis².

xammeeti [m.dh]
(c.nafl.) Dareere alkaliin oo midabkiisu huruudcagaaryahay, dhadhan qadhaadhna leh oo uu soo saaro beerku, laguna kaydiyo beerkutaasha. Waxay caawi-saa dheefshiidka iyo nuugista duxda taas oo burburisa siina yaryaraysa. Xammeetidu waxa kale oo ay nashaadisaa isku soo ururka muruqyada dheefmareenka oo loo yaqaan ubaaxin. ld xameyti.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg