dhacar
(m.dh)

1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhacar

adaahi [m.dh]
Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuudhuuban.

dhacarad [m.l]
ld dhacarasho.

dhacarasho [m.f.dh]
eeg dhacaro. ld dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.

dhacarato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. ld dhacarsato.

dhacari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo meel dhacar leh soofin.

dhacarin [m.f.dh]
eeg dhacari. ld dhacaris.

dhacaris [m.l]
ld dhacarin.

dhacaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. ld dhacarso.

dhacarsad [m.l]
ld dhacarasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg