dhawraarin
(m.dh) (-nno, m.dh)Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. ld dhawraarimo.
dhawraarin
(m.f.dh)eeg dhawraari.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhawraarin ↴
yacay [m.l]
Geedo yaryar iwm oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo; asgogol.
dhawraari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhawraarin u samayn.
dhawraarimo [m.dh]
ld dhawraarin¹.
dheeh [m.l]
1. Lakab xalleefsan oo alaabta biraha, dhoobada iwm dusha laga mariyo oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigo. 2. Dhammaajo (xabog). 3. ld dheedid.
dheeh [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-hay, -hday)
1. Bir, dhoobo iwm lakab xalleefsan oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigayo dusha ka marin. 2. Wax xabag dhammaajo marin. 3. Wax dhafid. 4. Cid si fiican ula dhaqmid.
feer [m.dh] (-ro, m.l)
1. Lafaha dhuudhuuban, xooggan ee ku xeeran dhawraarintana u ah uur ku jirta nafleyda inteeda sare. 2. Hareer; gees, dhinac. 3. (w) Qaaxo.
toxob [m.dh] (-bo/-byo, m.l)
1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo haqa qaarkii dhawraarin ahaan, korka kaga rogan. 2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda. 3. Lakab taxane ah oo xabagaysan: kaas oo daboola qaybta hawada u baxsan ee geedka. Waxa dhiijiya dubduleedka, shaqadeeda ugu muhiimsanina waxa weeye ka hortagga biyo lunka geedaha.