dhimi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

ld danaq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhimi

gaabi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax dheeraa wax ka dhimid. 2. (f.mg) Aayar u socosho.

saaykoolojiyadda [m.dh]
(daaw.) Barasho cilmiyeed oo kusaabsan dhimirka (maan-ka) bani-adaamka iyo qaabka dabeecada dadka.

waalli [m.dh]
(daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah.

yaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Qof fal samayntiisa dhimid. 2. Qof wax weyn ama tiradoodu badantahay wax yar ka dhigid. ld yareysii.

ajoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ka a.: qof, wax sharaftiisa wax u dhimi karo ka fogaan.

baaranooya [m.dh]
(daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.

barnoqod [m.l]
(xis.) Barta ugu sarreysa ama ugu hooseysa ee ku taalla xood, taas oo ah, bar halka uu kulanka iska beddelo min kordhid ilaa dhimid, ama min dhinmid ilaa kordhid, iyo weliba taabtuhuna waa uu jiifaa. Haddii isbeddelku yahay kordhid ilaa dhinmid waa barta ugu sarreysa.

dhimid [m.f.dh]
eeg dhin. ld dhimis, dhimitaan, dhinniin.

dhimin [m.dh]
ld damqid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg