digsi
(m.l) (-iyo, m.l)

Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cunnada lagu karsado; sufriyo. ld disti.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh digsi

maacuun [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm. suxuun, digsiyo, mindiyo

disti [m.l]
ld digsi.

gur [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Geedo, timo iwm jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) ld gur².

hadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Qof dhintay quraan u akhrin. 2. Digsi dabool saarid.

sufriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cuntada lagu karsado; digsi. ld surfiyo, sufriyad, sufriye, sufriyo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg