folkaano
(m.dh) (-ooyin, m.l)(jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh folkaano ↴
haro folkaaneed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Biyo-fadhiisin ku samaysmay karaytar folkaano oo cidhib go'ay.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg