Foodsaar

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga: (-rro, m.dh)

1. Raar aqalka miyiga wejiga hore laga saaro. 2. Gabbaad. 3. ld foodshareer. Maro haweenku wejiga saartaan. 4. ld foodsaarid.


Foodsaar

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho.


Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga foodsaar

foodsaarid | foodshareer |
ld = la-mid / variant
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg