in-gudbiye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

(kiim.) Walax astaanteeda gudbineed ay u dhexeysa tan gudbiye (bir) iyo tan ma-gudbiye (caag). Marka loo eego gudbiyeyaasha, caabbiga in-gudbiye waxa uu la sii yaraadaa korodhka heerkulka. In-gudbiyeyaasha waxa ka mid ah adkeyaasha wiriqlaha ah sida jeermaniyam iyo silikon.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh in-gudbiye

gudbin-gudbiye-milme [m.l]
(kiim.) Isbedelka kiimikaad ee ka dhasha saldanab danabeed oo la dhexmariyey hoorar gudbiye ah (gudbiye-milmeyaal).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg