isbarbardhigid
(m.f.dh)eeg isbarbardhig².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isbarbardhigid ↴
eeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.
barbardhigid [m.f.dh]
eeg barbardhig. ld isbarbardhigid..
fiiri [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin.
foodi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Isu f.: laba wax ama ka badan isbarbardhigid.
sayid [m.dh]
1. eeg say². 2. Isbarbardhigid; sarcid (dun, liilammo iwm).