jeermidile
(m.l) (-layaal, m.l/dh)(daaw.) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeermidile ↴
foormaliin [m.dh]
(kiim.) Milan ka kooban biyo iyo 40% oo “formaldehyde” ah loona isticmaalo jeermidile (sterilization) ama dhajiye (fixative) gaar ahaan qaybta cudur barashada (pathology) waxaana lagu dilaa “antharax spores”.
jeermis-dilid [m.dh]
1. (daaw.) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiis.) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg