malee
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-leeyay, -laysay)1. (f.g/mg) M./u m.: wax aan la hubin xaqiiqdooda fikrad ku cabbirid. 2. (f.mg) Isu m.: isu haysasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh malee ↴
oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
saadaal [m.dh]
1. Astaamo iyo calaamado muujinaya wax dhici doona. 2. Malaynta wax dhici doona la maleeyo; odoros. saadaal
armaa [Falkaab | Adverb]
Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; ma laga yaabaa in, billaa. Tus. “Armuu Cali ii imaan doonaa”. ld amaa.
billaa [Falkaab | Adverb]
Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tus. “Billuu keen?”.
guulwade [m.l] (-dayaal, m.l)
Mid ka mid ah ciidamada maleesiyada ummadda.
malayn [m.f.dh]
eeg malee.
maleeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax soohid. 2. Cid shirqool u dhigid.
maleegan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gmay, -gantay; -gmi)
Wax la maleegay noqosho.
maleegan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Wax la maleegay ahaansho.