marin
(m.l) (-nno, m.dh)1. Jid; waddo. 2. Gar; sharci.
marin
(m.f.dh)eeg mari². ld maris¹ (3).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marin ↴
saabil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cayaarta (turubka) dabaka-eriga ran yaryar hor marin si uu ranka waaweyni u soo haro. 2. Cid qayaamo wax ugu qaadid.
taabbaggudi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax meel marin.
kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.
laag [m.dh] (-go, m.l)
(juqr.) Laag webi ama durdur oo ku biirisa biyaheeda webi weyn, isagoo kaga biyo daraya labada dhinac ama bar marinkiisa ka mid ah.
qaadsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin.
ugxanayn [m.dh]
(baay.) Sii daynta ugxanta ka timaada ugxansidaha. Unug ugxaneedka ku dhex koraya goonkiisa wuxuu tegaa ugxansidaha dushiisa; marka uu qaangaadho waxa laga soo daayaa goonka iyada oo lagu sii daynayo moqorka jidhka, halkaas oo laga gudbiyo marin ubxaneedka.
ugxandhalid [m.dh]
(baay.) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.
waddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.
xaalmarin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaalmari.
xaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo si uu u saxaroodo majasaarid. 2. Cariish dhiriq marin.