mukul
(m.dh)

Daruur madow oo meel fog ka da'aysa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mukul

yaanyuur [m.dh] (-ro, m.l)
basho; bisad; dinnad; dummad; mukulaal; mukulaal, dummad

sabaad [m.l] (-do, m.dh)
Dhaashi udgoon oo timaha la marsado oo laga sameeyo dhacaan ka yimaad qanjirrada mukulaal sabaadda.

bisad [m.dh] (-do, m.l)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano. mukulaal; basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;

curre [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Bisad ama mukulaal lab. ld curri.

mukulaal [m.dh] (-lo, m.l)
basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;

mukulaalduureed [m.dh]
(mukulaalduureed, m.l) Mukulaal duur ku nool ah.

mukulaalsabaad [m.dh]
(mukulaalsabaad, m.l) Mukulaalduureed laf weyn oo giirgiir leh.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg