nolol
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun)

1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nolol

qaajabbeel
[m.l]

Qof ku shaqeeya wax yar nolol maalmeedkiisa. ld gaajabbeel¹.

raaxayso
[Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)

1. Nolol raaxo leh ku noolaansho. 2. Nasasho; daaltirasho.

raaxee
[Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-xeeyay, -xaysay)

1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin.

raaxo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

1. Nolol aan dhib lahayn. 2. ld raaxayn.

taariikh-nololeed
[m.l]

Taariikh nololeed qof ee uu qorey qof kale.

xabaalnololi
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)

Cid nool aasid.

xabaalnololin
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg xabaalnololi.

afkuxuuble
[m.l] (-layaal, m.l/dh)

Ilmo geel oo isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay..

aruurin
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iwm oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.

baraarujin-caafimaad
[m.l]

(daaw.) Habab qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka loo haysto in ay caafimaadka wax u dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg