taxan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xmay, -xantay; -xmi)

1. Wax iniino ah oo dhexda ka daloola oo dun la iskula xiriiriyay noqosho. 2. Tiro wax siday isugu xigeen isu daba yaal noqosho. ld tixan¹.

taxan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-xnaa, -xnayd)

1. Wax iniino ah oo dhexda ka daloola, wax dun la iskula xiriiriyey ahaansho. 2. Tiro wax sidey isugu xigeen isu daba yaal ahaansho. ld tixan².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taxan

waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.

taban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Tiro taxane ah oo eber ka yar ahaansho.

urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.

waagii baahiyosooik [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii hore ee nolosha, waa kan ugu horreeya saddex qaybood ee waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeyay kambiriyan-ka-horreeyaha). Kolkaas oo muddooyinka taariikhda dunida ka mid ah kana horreeyay waagii mesosooigga wuxuu kalabaxsanyahay laga billabo 600 oo milyan ilaa 200 oo milyan oo tagtay.

waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.

waagii mesosooik [m.l]
(waayihii ..., m.l) (jool.) Waagii dhexe ee nolosha, ahna midka labaad saddexda qaybood ee taxanaha waqti jiyolojiyeedka wixii ka dambeeyay kambiriyan-ka-horeeyaha: muddaddaas ka mid ah taariikhda dhulka ee u dhexeysa aayada baaliyosoyigga iyo saynasoyigga, waxay kala baxsantahay muddo ah 200 milyan ilaa 70 milyan sannadood ee tagtay.

abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.

alkahool [m.l] (-lo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.

ambiyeer-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga qulqulka danabka ee mareeg danab. Ambiyeer beegga waxa mareegta loogu xidhaa si taxane ah.

annilliida [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg