waalid
(m.l) (-diin, m.dh)

Laba qof oo wax dhashay waxa ay ilmahooda u yihiin. ld waarid.

waalid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg waal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waalid

maandhay [u.j]
Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandha.

maandhe [u.j]
Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.

tafiir [m.l] (-ro, m.dh)
Ilmaha ay dhalaan waalidku.

unug-waalid [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.

waalwaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waalwaal.

waarid [m.l]
ld waalid¹.

waaridnimo [m.dh]
ld waalidnimo.

aliil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg