wareego
(m.dh)Xoolaha nool ee colka duullaanka ahi sahay ahaan u wato.
wareego
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-gtay, -gatay)Soo w.: halkaad joogtid ka tag oo meel kale u wareeg.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wareego ↴
saalaxweeto [m.dh]
1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.
dhexroor [m.l]
(c.fal.) Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.
fajo [m.dh]
Oogada dadka oo faraha aad loogu mudmudo oo loogu garaaco, si jirku u baraarugo, dhiigguna qummaati ugu wareego. ld fujo (2).
laballeexad [m.l]
Socod dan la'aan ah oo uu qofku iska wareego. ld labaleexad.
qorrax [m.dh]
Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
sannad [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-do, m.l)
Waqti hal mar dhulku qorraxda ku wareego oo u dhiganta 365 maalmood ama laba iyo toban (12) bilood. ld sanad.
wareegasho [m.f.dh]
eeg wareego².
wif [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Erey tilmaama dhawaaqa wax sida wiifowga u wareego.