Xiidan

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga:

1. Dhuunta cunnadu marto, inteeda u dhexaysa caloosha iyo afka saxaradu ka baxdo. 2. Cunnammareenka intiisa yaryar oo caloosha (godanta) iyo qab-sinnada u dhexaysa.

Xiidan

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga:

(c.nafl.) Qaybta ka midka mindhicirka weyn ee lafdhabarleyda ee u dhexaysa siikamka iyo malawadka. Shaqada ugu weyn ee uu qabtaana waxa weeye ka soo nuugista macaadinta iyo biyaha hadhaaga cuntada aan la dheefshiidin ee soo dhaafta mindhicirka yar, taas oo marka dambe noqo-ta saxarro.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga xiidan

mindhicir |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg