Yohoon

Qaabnaxa: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate Isrogrogga:

Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan.

Yohoon

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-oomay, -oontay; -oomi)

1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga yohoon

yohoomid | yohoonsan | yohoonsanaan | yohoonsanaansho |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg