Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hadwasho
dayow (1) 1. Wareer lala kala garan waayo waqtiga iyo meesha la joogo. 2. ld dayoobid.
dayow (2) Wareer awgiis, waqti iyo jaho garan waayid.
dayr Afarta xilli ee sannadka u qaybsamo middood, roob leh una dhexeeya diraacda iyo xagaaga.
dayradhaaf Waqtiga roobka dayrta ahi dhammaado oo dhaxantu bilaabato.
dayrcad Midab cad oo geelu leeyahay.
dayrdhal D. ah: neef geel ah oo xilli dayr ah dhalay.
dayri 1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iwm dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid.
dayrin eeg dayri. ld dayris, dayro (2).
dayris ld dayrin.
dayro 1. D. ah.: ilmo waalidkiis ka quustay oo guriga laga eryey. 2. ld dayrin.
dayrqin Neef xilli dayreed rimay.
dayrsad ld dayrsasho.
dayrsan Wax la dayriyay ahaansho (ilmo).
dayrsanaan eeg dayrsan. ld dayrsanaansho.
dayrsanaansho ld dayrsanaan.
dayrsasho eeg dayrso. ld dayrsad, dayrsi.
dayrsi ld dayrsasho.
dayrsimo 1. Qof dayrsan ahaansho. 2. Roob xilliga dayrta horteeda da'a.
dayrso Wax la haysto si aan wax looga bixin ka beensheegid.
dayuurad Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. ld dayaarad, diyaarad.
dayuus Qof aan damiir iyo akhlaaq lahayn oo aan ka xishoon in uu walaashiis ama xaaskiisa uu rag kale u geeyo.
deb ld dab¹.
debac (1) ld debcid.
debac (2) ld debec².
debacsamid ld debecsamid.
debacsan (1) ld debecsan¹.
debacsan (2) ld debecsan².
debacsanaan ld debecsanaan.
debacsanaansho ld debecsanaan.
debacsanow ld debecsanow.
<< < 336 337 338 339 340 341 342 343 344 345 346 > >>

 

Exit mobile version