deebaan 1. Shiraac saddex gees ah intiisa hoose. 2. Xarig doonyaad isu haya farmaanka docdiisa midig iyo doonnida. ld deebaani (2).
deebaani 1. Muddada urtu celcelis tahay ee u dhexeysa Oktoobar iyo Nofeembar. 2. ld deebaan.
deebad 1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.
deebi 1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.
deebin eeg deebi.
deebsan Wax la deebiyey ahaansho.
deebsanaan eeg deebsan. ld deebsanaansho.
deebsanaansho ld deebsanaan.
deedifee Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid.
deedifeyn eeg deedifee.
deedifo Duridda qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa la duro.
deef Garabka intiisa kore; qarqar.
deeg (1) 1. D. ah: qof wax lahaa oo faqriyey. 2. ld deegid.
deeg (2) Istaag! ( fardaha ayaana loo adeegsadaa).
deeg (3) 1. Qof cayrtoobid. 2. Qoor kacsi dartiis la caatoobid. 3. Fardo fuulid.
deegaamee ld degaamee.
deegaameyn ld degaameyn.
deegaami ld degaamee.
deegaamin ld degaameyn.
deegaan (1) 1. Geed weyn canjeelka u eg, sida badan webiga jiinkiisa ka baxa oo leh miro la cuno. 2. ld degaan.
deegaan (2) Doog meel roob badan ku da'ay ka baxa.
deegaanraac Naqraac.
deegad Bersad.
deegid eeg deeg³. ld deeg¹ (2).
deel 1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. ld d (da').
deelqaaf (1) 1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.
deelqaaf (2) Ku d.: hadal meel ka dhac ah, aan daw lahayn qof ku dhihid.
deelqaafi Ka d.: maanso qaafiyaddeeda gefid.
deelqaafid eeg deelqaaf².
deelqaafin eeg deelqaafi.
<< < 339 340 341 342 343 344 345 346 347 348 349 > >>