Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dufni
isle'ekaansho ld isle'ekaan.
islis (1) Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca.
islis (2) (fiis.) Xoogga caabbinaya socodka dul marka loo eego dul kale oo ay is taabanayaan.
islis (3) Is xoqid.
islisid eeg islis³.
isloogan Halkudhegyo qeexaya ujeeddo.
ismaahi Qof wax maahsan iska dhigid.
ismaahin eeg ismaahi. ld ismaahis.
ismaahis ld ismaahin.
ismaalaakadeed (1) Isku muujinta la isku muujiyo wax aan la ahayn iyadoo xaqiiqadii la qarinaayo.
ismaalaakadeed (2) Hadba si isu muujin iyadoo runtii la qarinaayo.
ismaalaakadeedid eeg ismaakaa-kadeed².
ismaandhaaf (1) Isfahmiwaayid laba qof ama ka badan ka dhex dhacda.
ismaandhaaf (2) Laba qof ama ka badan isfahmiwaayid.
ismaandhaafid eeg ismaandhaaf².
ismaldhikhi Xarrago iyo jiljileec aan la lahayn iska raadin.
ismaldhikhin eeg ismaldhikhi. ld ismaldhikhis.
ismaldhikhis ld ismaldhikhin.
ismaldhikhiye Qof xarrago, jiljileec uusan lahayn iska doondoona.
ismale'eg (xis.) Weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa “x waa ay ka weyntahay y”, iyo x < y waxa loo akhriyaa “x waa ay ka yartahay y”. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eq.
ismanshashuur (1) ld ismashashuur1.
ismanshashuur (2) ld ismaashashuur².
ismanshashuurid ld ismashashuurid.
ismaquudiye (baay.) Nooc nafaqada ka mid ah taas oo ah tamar laga soo dhiraandhiriyey qaadashada iyo dheefshiidka walxo organigga ah; caadi ahaan nudo xayawaan ama geed. Maxsuulka burburay ee dheefshiidka ayaa loo isticmaalaa samaynta walxaha orgaanigga ah ee uu u baahanyahay nooluhu. Xayawaanka oo dhami waxay cuntadooda ku helaan tabtan.
ismar Caro darteed wax la kala garan waayid.
ismarid eeg ismar.
ismaris Rooti subag iyo macmacaan dhexda looga tiray.
ismaro Caro fudud oo qof yeesho. ld ismaryo.
ismaryo ld ismaro.
ismashashuur (1) Xishood badan oo ismacnayni ku jirto. ld ismanshashuur¹.
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>

 

Exit mobile version