qarbidxo Weel qarbidix ku tolasho.
qarbud (1) Qasid wax nidaamsanaa lagu sameeyo.
qarbud (2) 1. Rabsho sameyn. 2. Wax nidaamsanaa isku qasid.
qarbudaad 1. Qasidda la isku qaso wax nidaamsanaa. 2. ld qarbudid.
qarbudid eeg qarbud². ld qarbudaad (2).
qardaas Xaashi sida badan adag oo loo habeeyey in wax lagu rito. ld qirdaas.
qardab ld qartab.
qardabee Dhibaato qarsoon cid gaarsiin.
qardabeyn eeg qardabee.
qardabid ld qartabid.
qardabo 1. Nooc mallayga badda ka mid ah oo aan jurmi weynayn, lehna midab cad iyo dhibco yar yar oo madmadow. 2. Dhibaato qarsoon oo cid loo geysto. 3. ld qartabyo. 4. ld qardabeyn.
qardajeex (1) Socod lagu maro meel dhir badan oo aan waddo la maro lahayn.
qardajeex (2) Meel dhir badan oo aan waddo lahayn marid.
qardajeexid eeg qardajeex². ld qardajeex¹.
qardajeexsii Nafley meel dhir badan oo aan waddo lahayn marin.
qardajeexsiin eeg qardajeexsii.
qardan Qof ama nafley kale wax buuran ahaansho.
qardanaan eeg qardan. ld qardanaansho.
qardanaansho ld qardanaan.
qardayn eeg qardee.
qardaysad ld qardaysasho.
qardaysan 1. Dhul wax la qardeeyey ahaansho. 2. Qof faras iwm oo uu fuulay ku murqo go'ay ahaansho.
qardaysasho eeg qardayso. ld qardaysad, qardaysi.
qardaysi ld qardaysasho.
qardaysii Cid wax amaah u siin.
qardaysiin eeg qardaysii.
qardaysnaan eeg qardaysan. ld qardaysnaansho.
qardaysnaansho ld qardaysnaan.
qardayso 1. Dhul geedo ka gurasho si wax loogu beero ama hawl kale loogu qabsado. 2. Wax amaah ahaan cid uga qaadasho.
qardee 1. Dhul geedo ka gurid si wax loogu beerto ama hawl kale loogu qabsado. 2. Cid wax amaah ahaan u siin.
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>