dhabbo ld dhabbe.
dhabcaal (1) Nin aan hantidiisa waxba ka bixinin; bakhayl, muudal.
dhabcaal (2) Naag aan hantideeda wax ka bixin. ld dhabcaalad.
dhabcaalad ld dhabcaal².
dhabcaalnimo Dhabcaal ahaansho.
dhabcaan ld dhabcan.
dhabcan Xaar lo'aad oo qoyan; faanto. ld dhabcaan.
dhabdarro Gardarro.
dhabdarroo Ku dh.: cid dhabdarro kula kicid.
dhabdarrood eeg dhabdarroo.
dhabee Ka dh.: wax dhab ka dhigid.
dhabeel Naag maamulka guriga aad ugu fiican; gaari.
dhabeelnimo Dhabeel ahaansho.
dhabeeloobid eeg dhabeelow.
dhabeelow Dhabeel noqosho.
dhabgeli Isu dh.: waxyaabo meel wada gelin.
dhabgelin eeg dhabgeli.
dhabiil (1) 1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. ld dhabiilid.
dhabiil (2) 1. Wax tashiilid. 2. Wax quuddarrayn.
dhabiilid eeg dhabiil². ld dhabiil¹.
dhabiiltamid eeg dhabiiltan². ld dhabiiltan¹.
dhabiiltan (1) Si dhab ah oo loo xisaabtamo. ld dhabiiltamid.
dhabiiltan (2) Si dhab ah u xisaabtamid.
dhabji ld dhabqi.
dhabjin ld dhabqin.
dhabjis ld dhabqin.
dhabnaan eeg dhaban³. ld dhab- naansho.
dhabnaansho ld dhabnaan.
dhabo Dhaqdhaqaaqid, kicid (dhabayl).
dhaboobid eeg dhabow.
<< < 356 357 358 359 360 361 362 363 364 365 366 > >>