Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cashrin
dhacamis ld dhacmin.
dhacan (1) Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin.
dhacan (2) La dhacay; xoolihii laga qaaday.
dhacan (3) Qof la dhacay ahaansho.
dhacar 1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.
dhacarad ld dhacarasho.
dhacarasho eeg dhacaro. ld dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.
dhacarato Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. ld dhacarsato.
dhacari Xoolo meel dhacar leh soofin.
dhacarin eeg dhacari. ld dhacaris.
dhacaris ld dhacarin.
dhacaro Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. ld dhacarso.
dhacarsad ld dhacarasho.
dhacarsasho ld dhacarasho.
dhacarsato ld dhacarato.
dhacarsi ld dhacarasho.
dhacarso ld dhacaro.
dhacdhac (1) 1. Tabaryari darteed oo lala kufkufo; liiqliiq; dalanbaabbi. 2. Hal hal u qubasho; daadad. 3. Gefaf yaryar. 4. ld dhaadhac 1 (3). 5. ld dhacdhicid.
dhacdhac (2) 1. Tabaryar darteed la kufkufasho; liiqliiqid; dalanbaabbin. 2. Dhawr mar dhicid.
dhacdhicid eeg dhacdhac². ld dhacdhac¹ (5), dhicdhicid.
dhacdiid (1) ld dhacadiidid.
dhacdiid (2) ld dhacadiid².
dhacdiidid ld dhacadiidid.
dhacdiidsad ld dhacadiidsasho.
dhacdiidsasho ld dhacadiidsasho.
dhacdiidsi ld dhacadiidsasho.
dhacdiidso ld dhacadiidso.
dhacdo Amar, arrin.
dhaclayn ld dhaaclayn.
dhaclaysan ld dhaaclaysan.
<< < 358 359 360 361 362 363 364 365 366 367 368 > >>

 

Exit mobile version