dhacdo
(m.dh) (-ooyin, m.l)Amar, arrin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhacdo ↴
yaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Ku yaab/ka yaab: dhacdo qof sameeyey la fajicid. 2. U yaab: wax dhibaato uga baqid (cid). 3. Ka yaab: dhibaato ka baqid (cid). 4. Isla yaab: cid fal ay samaysay ka qoomamayn.
faallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Faahfaahin lagaga hadlayo dhacdo, meel, wax iwm. ld faalle. faalle
maalin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lmo, m.l)
Muddada u dhaxaysa marka qorraxdu soo baxdo ilaa ay dhacdo (12 saac).
taariikh [m.dh]
1. Laan cilmi bulshadeedka ka mid ah oo lagu barto dhacdooyinka. 2. Goorta wax abuurmeen ama dheceen. 3. Sanadka, bisha, iyo maalintu inta ay joogaan.
tabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Wax la filanayay oo la waayey dib u gocasho. 2. Dhacdo godob ka tirsasho.
waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.
waayo [m.l.w]
1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo.
xamaasad [m.dh]
1. Dareen xooggan oo nafsaani ah oo ka dhasha dhacdo beerqaad leh oo qofku muujiyo farxad, jidbo, yaab iwm. 2. Ficil.
aas [m.l]
1. Xabaalidda meydka; ld aasid. 2. Marka aasku madoobaado: waqtiga qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo; himhiimow, cilcillow.
affur [m.l]
1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad. 2. ld affurid.